Madaxweynaha Somaliland oo tagay xarunta xisbiga Kulmiye

Image

28 Octobar, 2015(GO)-Iyadoo wali uu taagan yahay muranka xisbiga Kulmiye ee ku aadan shirka golaha dhexe ee xisbigaas, ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaayo waxa uu maanta tagay xarunta xisbiga.

Siilaanyo ayaa hadal uu ka jeediyey xarunta xisbiga Kulmiye waxa uu kaga hadlay tartanka xisbiga dhexdiisa, wasiiradii is-casilay iyo kuwa ka tagay xisbiga.

Waxa uu sheegay in xisbigu yahay dimuqraadi, dhexdiisana lagu tartamayo.

Siilaanyo ayaa dhinaca kalena beeniyey eedeymaha wasiiradii is-caislay ee ahaa inuu xubnaha xisbiga kala taageeray, waxaana uu sheegay inuu dhex dhexaad ka yahay arrinta xisbiga Kulmiye.

Xigasho: VOA

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM