Madaxweynaha Somaliland oo u dhoofay Ireland xilli ay kulmeen Daahir Riyaale

Image

27 September, 2015(GO)- Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u dhoofay dalka Ireland.

Safarka waxaa ku wehelinaya xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, waxaana uu ku qotomaa casumaad uu sheegay inuu ka helay dalkaasi.

Siilaanyo ayaa kulan kula qaatay madaarka Hargaysa ka hor intuusan dhoofin Madaxweynihii hore ee maamulkaasi Daahir Riyaale Kaahin, lama oga waxay ka wada hadleen, balse labada mas'uul ayaa isku diyaarad ka raacay garoonka Cigaal.

Madaxweynaha Somaliland oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay in safarkiisa Ireland ku ballansanyihiin madax sar-sare, isla markaana kala hadli doonaa qadiyadaha maamulka Somaliland iyo arrimo la xiriira hormarka uu maamulka Siilaanyo Gaarey.

Magalada Dubai ee xarunta Isutagga Imaaraadka Carabta ayuu Axmed Maxamed Siilaanyo ku sii hakan doonaa ka hor intuusan tagin dalka uu safarkiisu ku qorshaysanyahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM