Madaxweynaha Somaliya oo laga sugayo Wareegto uu ku ansaxinayo heshiiska doorashada

Image

MUQDISHU,Somaliya- Wararka aan ka helyno Villa Somaliya ayaa sheegaya inuu socdo dhaqadhaqaaq lagu diyaarinaya qoraal Madaxweyne Xasan Shiikh uu ku ansaxinayo heshiiskii doorasho kaasoo madaxda Somalida saxiixeen 12 April,2016.

Qoraalkaan ayaa yimid kadib markii Barlamanka Federaalka diidey inuu ansaxiyo heshiiskaan kuwasoo fadhigoodii baaqdey maalintii shaley islamarkaana aan weli laga gaarin maanta wax heshiis ah in sidiisa lagu gudbiyo isagoo aan waxba laga badalin.

Talaabadaan ayaa imaaneysa iyadoo golaha amaanka Qaramada Midoobey maalinta Isniinta ah 23 May, 2016 sugayo in dhinacyada Somaliya gaar ahaan Dowlada Federaalka ah ansaxiso heshiiska doorasho iyadoo aan waxba laga badalin.

Xildhibaanada Barlamanka kuwooda diidan aqalka sare ayaa sida aan wararka ku heleyno mowqifkooda weli meeshiisii taagan yahay iyagoo ku adkeysanya in xubnaha la kordhiyo ama gabi ahaanba laga saaro heshiiska dhismaha aqalka sare ee Barlamanka Somaliya.

Xasan Shiikh ayaa la filayaa in wareegtadaan uu soo saarayo markaan uu ku ansaxinayo heshiiskaan balse dib u dhigey kala dirista Barlamanka sababo aan la sheegin.

Wareegtada kadib ayaa wararka sheegayaan in Madaxweyne Xasan Shiikh u ambabaxi doono wadanka dibadiisa iyadoo la filayo inuu aado dalka Turkiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Diidday Qorshaha Dowladda Federaalka ee Qorista Ciidamada Gudaha Deegaannadeeda

Dowladda Federaalka ee waqtiga ka dhamaadey ayaa lagu eedeeyay faragelin inay ku hayso maamullada Federaalka ah.

  • Soomaliya

    10-06-2026

  • 06:55PM

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM