Xasan Shiikh oo qorsheynaya inuu kala diro Barlamanka Somaliya

Image

MUQDISHU, Somaliya- Kulan la filayey in Barlamanka Federaalka Isugu yimaado maanta 21 March,2016  ayaa  dib loo dhigey kadib markii laga baqey iney mudanayasha diidaan ansaxinta heshiiskii doorasho ee Somaliya kaasoo madaxda Somalida wada sixiixeen 12 April,2016.

Wararka warsidaha Garowe Online ka heley xildhibaano ka tirsan golaha ayaa sheegaya in kulankii Barlamanka Federaalka ee maanta baaqdey soo xadireen tiradii ugu badneyd ee mudanyaasha ah [197 xubnood] taasoo cabsi galisay madaxda Somalida ee ku kulansaneyd xarunta Villa Somaliya.

Madaxda Dowlada Federaalka ayaa gudoomiyaha Barlamanka ka codsatey in kulankaas dib loo dhigo iyadoo sidoo kale Villa Somaliya ka socdaan wadahadalo xasaasi ah ee u dhexeeya Madaxweyne Xasan Shiikh, Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid, Gudoomiye Jawaari iyo madaxda maamulada Somalida.

Wararka kulankaas ku xeeran ayaa xusaya in Madaxweyne Xasan Shiikh xaawilayo inuu ku qanacsiiyo madaxda maamulada Somaliya aqbalaan in xubno siyaado ah aqalka sare lagu daro taasoo xogta aan heleyno sheegeyso iney ku gacan sayreen.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliya ayaa isu diyaarinaya inuu heshiiska doorasho Somaliya ku ansaxiyo Wareegto hadii Barlamanka Federaalka sidiisa ku ansaxin waayo maalinta berri ah taasoo ka dhigeysa in aqalka mudanyaasha la kala diro.

Wareegtadaan oo wararku sheegayaan in lagu ansxinayo heshiiskaan islamarkaana waqtiga doorashada Somaliya dhaceyso.

Talaabooyinkaan ayaa imaanaya maalin kadib markii xubno ka socda golaha amaanka [QM] digniin kama dambeysa ah u direen madaxda Somalida hadii la ansaxin waayo nidaamka doorasho ee lagu heshiisyey kaasoo wadada u xaaraya in dalka Somaliya ka dhacdo doorasho sanadkaan dabayaqadiisa.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM