​Madaxweynaha Soomaaliya oo Baydhabo tagay

Image

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada Baydhabo xarunta gobolka, halkaas oo la filayo inuu ka furmo shirka madasha wadatashiga qaran ee looga hadlayo arrimaha doorashada dalka ka dhici doonta sida la qorsheeyay dabayaaqada 2016.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo mas'uuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyay Bayadhabo, waxaana la hadal hayaa in saacadaha soo socda uu furmo shirka madasha.

Axmed Maxamed Islaam (Madoobe ), madaxweyaha Jubbaland, madaxweynaha Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) iyo madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa la filayaa inay tagaan saacadaha soo socda.

Amniga magaalada Baydhabo, ayaa aad loo adkeeyay, waxaana lasoo saaray hab cusub oo lagu sugayo nabadgalyada Baydhabo inta shirku socdo, waxaana magaalada laga mamnuucay mootada saddex lugoolayda ah ee Soomaalidu u taqaano Bajaaj.

Ciidamada dowladda Soomaliya, kuwa maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamada Ethiopia ee qaybta ka ah AMISOM, ayaa amniga loo xilsaaray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM