Madaxweynaha Soomaaliya oo booqdey jiidda Shabeellada Hoose

Image

27 May 2015, Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay booqdey saldhigyada Ciidammada Xoogga Dalka ee ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu kula kulmey qaar ka mid ah ciidammada degaannadaasi ka hawlgala.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa la xiriirey u kuurgelid xaaladda ciidammada, dhiirigelin iyo bogaadin ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Al-shabab.

“Waan idin ku bogaadinayaa sida geesinimada leh ee aad cadowga u jebiseen. Naftiina ayaad u hurteen in aad waddanka difaacdaan, sharaftiisana aad soo celisaan. Dowladda iyo shacabkana intaas way idin og yihiin, waxaadna ku jirtaan jihaadka saxda oo ah mid aad dooneysaan inaad shacabkiina ku xorreysaan’’, ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale amrey in dhammaan ciidammada Xoogga Dalka ee dhowaan la wareegey deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose in la siiyo dalacsiin, daryeelkooda iyo baahidoodana mar walba la tixgeliyo.

“Waxay dowladdu diyaar u tahay inay baahidiina haqabtirto, taasina waa waajib ina saaran. Geesiyaashii ku dhintey goobaha dagaalka waxaan caddeynayaa in carruurtooda daryeelka ay xaqa u leeyihiin la siin doono’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kula dardaarmey ciidammada inay adkeeyaan, isla markaana dhowraan akhlaaqda iyo xeerarka ciidanka, oo uu sheegay inay muhiim u yihiin ka guul gaarista waajibaadka saaran.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliyey Wasiirka Gaashaandhigga, S/Guuto Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, Wasiirka Amniga, Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed,Taliyaha Ciidammada Xoogga, S/Guuto Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Ciidammada Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-yare iyo mas’uuliyiin kale.

-DHAMMAAD-

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM