Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa China

Image

December 5, 2015 (GO)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Koonfur Afrika ayaa xalay magalaada Johannesburg kula kulmay dhiggiisa dalka China, Xi Jinping.

Labada mas'uul ayaa iska waraystey xaaladda dalka iyo horumarka dhanka ammaanka iyo dib usoo kabashada ee la gaarey dhowrkii sano ee u dambeeyey. Waxay sidoo kale isla soo qaadeen baahida ay xilligan Soomaaliya u qabto maalgashi caalami ah.

Madaxweyne Xasan oo waraysi gaar ah siiyey Radio Muqdisho ayaa sheegay in kulankii dhex maray isaga iyo Madaxweynaha China guul kusoo dhammaaday, islamarkaana ay jiraan ballan-qaadyo badan oo dowladda China u sameysey Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay leedahay saaxiibo badan oo kala qeyb qaadanaya dib u dhiska iyo abuurista fursado maalgashi. Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa in Shiinaha oo awalba uu xiriir qota dheer naga  dhexeeyay aan isku afgaraney inaan iskaashigeena xoojinno" ayuu yiri.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa magaalada Johannesburg uga qayb gelaya shirka sanadlaha ah ee ay isugu yimaadaan madaxda dalalka Afrika iyo China.

China oo ah dalka labaad ee ugu dhaqaalaha badan dunida, wuxuu sanadihii u dambeeyey si weyn isha ugu hayey Qaaradda Afrika. 

Xukuumadda Beijing, waxay aad u daneynaysaa inay maalgashi ku sameysto wadamada Afrika kana faa'iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee qaaraddu hodonka ku tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf ka taagan cidda hoggaaminaysa Koonfur Galbeed xilliga kala-guurka

Imaanshaha weftiga ayaa muujinaya bilowga kala-guur ay hoggaaminayso dowladda federaalka, kadib iscasilaaddii Laftagareen.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 01:43PM

Go’doomintii hawada ee Koonfur Galbeed oo dhammaatay: Diyaaradaha rayidka ah oo ka degay Baydhabo.

Adan Maalim Ibraahim, oo ah wakiil socdaal oo ka howlgala Baydhabo, ayaa sheegay in tigidhada la bilaabay in la qabsado xalay.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 11:56AM