​Madaxweynaha Soomaliya oo baaritaan caafimaad u aaday Jarmalka

Image

Madaxweynaha dowladda Federalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud, ayaa maanta baaritaan caafimaad u aaday dalka Jarmalka gaar ahaan magalada Berlin, isagoo maraya hubin caafimaad sida ay noo xaqiijiyeen ilo  ka agdhow madaxtooyada dalka.

Socdaalkan oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa qaadan doona muddo kooban, waxaana lafilayaa inuu u tagi doono dhaqtar jooga Berlin kaasi oo sannadkii hore sidaan oo kale u booqday.

Xaaladda caafimaad ee madaxweynaha ayaa la sheegay inay tahay mid aad u wanaagsan, balse waxa la tilmaamay inuu hubinayo maadama uu muddo shaqaynayay haddana dalku gali doono marxalad kala guur ah.

Wararka ku saabsan socdaalka Madaxweynaha ayaa la sheegay inaysan qayb ka ahayn arrimo siyaasadeed, balse waxaa hubinta xaaladdiisa caafimaad kadib dib ugu soo noqon doonaan dalka Soomaaliya.

Sannadkii hore 2015, mar uu ka hadlayay baaritaanka caafimaad ee dalka Jarmalka u tago, wuxuu sheegay inay tahay arrin caadi ah oo dhammaan madaxdu maraan maadama shaqadoodu badantahay had iyo jeerna fursad u helin taxadarka fayoqabkooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM