​Madaxweynaha Soomaliya oo Dhadhaab ku wajahan

Image
Image
Image

MUQDISHU- Madaxweynaha dowladda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro xerada Qaxootiga Dhadhaab ee Waqooyi Bari Kenya.

Socdaalkan ayaa la xiriira arrinta muddooyinkii dambe la hadal hayay ee ahayd in dib loo soo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee halkaasi ku jira.

Wafdi hor dhac ah ayaa gaaray, kuwaasi oo kala ahaa; wasiirka Arrimaha Dibadda iyo safiirka Soomaaliya ee Kenya.

Dowladda Kenya, ayaa dhinaceeda wafdi u soo dirtay xerada Qaxootiga ee Dhadhaab, waxaana lasugayaa inay yimaadaan, wasiirka Arrimaha gudaha iyo Xildhibaano katirsan Kenya.

Socdaalkan, ayaa la filayaa in looga hadlo qaabkii loo hakin lahaa qorshaha rarista qaxootiga Soomaaliyeed, waxaana arrintaasi si wadajir ah uga soo horjeestay dowladda Soomaliya iyo hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsa Qaxootiga ee UNHCR.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka dalka Kenya, Raila Odinga, oo ka hadlayay magalada Gaarisa ayaa dowladda ugu baaqay inay ka laabato qorshahaasi isagoo sabab u dhigay inaysan wali xasilin Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM