​Madaxweynaha Soomaliya oo gaaray Dhadhaab, Kenya

Image
Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI- Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaweyd gaaray xerada Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, waxaana hadlkaas kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin katirsan xukuumaddan dalkaasi iyo wafdi isaga kasii horeeyay.

Waxaa sidoo kale xeradan ku soo dhoweeyey wasiirka Arrimaha gudaha Kenya, xildhibaano ka tirsan Barlamanka Kenya iyo saraakiil kale 

Madaxweynaha Somaliya ayaa  la hadlay dadka Qaxootiga waxaana u sheegey inuusan jirin qorshe heshiis lagu yahay oo  si qasab ah loogu celinayo Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inuu doonayo inay ku helaan goobaha ay ku noqonayaan ee Soomaaliya adeegyada aas aasiga ah ee la midka ah kuwa ay xeryaha dhadhaab ku heystaan. 

Waxa uu sheegay inaysan suuragal aheyn in si qoor qabad ah loo celiyo, oo caruurta xeryaha ku nool ee waxbarashada heystaa ay waayaan.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale uga mahad celiyay dowladda Kenya, muddaddii dheereyd ee ay marti gelineysay qaxootiga Soomaalida ee Dhadhaab.

Booqashada Madaxweynaha Somalia ee Dadaab ayaa ku soo aadeysa xilli dhawaan dowladda Kenya ay ku dhawaaqday inay xireyso xeryaha Dhadhaab, oo ah xerada qaxooti ee ugu balaaran dunida oo ay ku nool yihiin in ka badan 300 kun oo qaxooti Soomaali ah.

Xasan Sheekh, ayaa usii gudbi doona magalada Nairobi, halkaas oo ballan kula leeyahay dhiggiisa Uhurru Kenyatta.

GAROWEONLINE+VOA

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM