​Madaxweynaha Soomaliya oo gaaray Dhadhaab, Kenya

Image
Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI- Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaweyd gaaray xerada Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, waxaana hadlkaas kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin katirsan xukuumaddan dalkaasi iyo wafdi isaga kasii horeeyay.

Waxaa sidoo kale xeradan ku soo dhoweeyey wasiirka Arrimaha gudaha Kenya, xildhibaano ka tirsan Barlamanka Kenya iyo saraakiil kale 

Madaxweynaha Somaliya ayaa  la hadlay dadka Qaxootiga waxaana u sheegey inuusan jirin qorshe heshiis lagu yahay oo  si qasab ah loogu celinayo Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inuu doonayo inay ku helaan goobaha ay ku noqonayaan ee Soomaaliya adeegyada aas aasiga ah ee la midka ah kuwa ay xeryaha dhadhaab ku heystaan. 

Waxa uu sheegay inaysan suuragal aheyn in si qoor qabad ah loo celiyo, oo caruurta xeryaha ku nool ee waxbarashada heystaa ay waayaan.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale uga mahad celiyay dowladda Kenya, muddaddii dheereyd ee ay marti gelineysay qaxootiga Soomaalida ee Dhadhaab.

Booqashada Madaxweynaha Somalia ee Dadaab ayaa ku soo aadeysa xilli dhawaan dowladda Kenya ay ku dhawaaqday inay xireyso xeryaha Dhadhaab, oo ah xerada qaxooti ee ugu balaaran dunida oo ay ku nool yihiin in ka badan 300 kun oo qaxooti Soomaali ah.

Xasan Sheekh, ayaa usii gudbi doona magalada Nairobi, halkaas oo ballan kula leeyahay dhiggiisa Uhurru Kenyatta.

GAROWEONLINE+VOA

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM