Madaxweynaha Xasan oo kulan la qaatay dhiggiisa Nigeria

Image

Muqdisho, 29 May, 2015- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyadda Nigeria Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Fedraalka Nigeria Mudane Muhammadu Buhari.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay xoojinta xirriirka labada dal iyada oo Madaxweynaha Soomaaliya uu warbixin ka siiyey dhiggiisa xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan la dagaallanka kooxaha argagixisada ah.

" Dowladdaha Soomaaliya iyo Nijeria waxyaalo badan ayey wadaagaan, waxaa ka mid ah Kooxaha Al Shabaab iyo Boko Haram oo iska mid ah mabda'a iyo ficilada xun-xun ee ka fog beniaadamnimadda, labada dowladdood arrimaas wa ay iska kaashan doonaan" ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in Madaxweyne Buhari uu booqsho ku imaan doono Soomaaliya si loo joogteeyo iskaashiga labadda Dowladdood

Dhammaad

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM