​Madaxweynayaasha Somalia iyo Jabuti oo kulmay

Image

Waxaa maanta magalada Jabuti kulan ku qaatay madaxweynayaasha dalalka Somalia iyo Jabuti, iyagoo kawada hadlay arrimo khuseeya xaaladda Somalia iyo shirka barri ka furmay waddankaas.

Mudane Xasan Sheekh iyo Ismaciil Cumar Gelle, ayaa isla soo hadal qaaday xaaladda Somalia iyo qaabkii loo xoojin lahaa taageerada Milatari iyo mida dhaqaale ee dalka Jabuti siiyo Somalia.

Labada mas'uul ayaa dhinaca kale kawada munaaqishooday shirka isugu imaanayaan madaxweynayaasha ciidamadoodu joogaan Somalia, waxaana Xasan Sheekh soo jeediyay in kor loo qaado taageerada walaaltinimo ee la siiyo waddanka colaadda ku jira mudada dheer.

Dalka Jabuti, ayaa kamid ah waddamada ciidamadoodu joogaan Somalia iyagoo qayb ka ah howl galka Midowga Afrika ee AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM