Farole oo la kulmay wasiirkii hore adeegga bulshada Somalia

Image
Image
Image

02 December, 2015(GO)-Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole ayaa hoygiisa magalada Garowe kula kulmay wasiirkii hore Adeegga Bulshada dowladda Somalia Maryam Qaasim oo Caasumadda  Puntland u timi ka qayb galka kulan ku saabsan hooyada iyo dhallaanka loona yaqaano CARMA.

Farole, ayaa wasiirkii hore ku ammaanay kaalinta ka gaystay  barnaamijyo badan oo lagu hormarinayay waxbarashada dhallaanka iyo adeegyo kale oo loo fuliyay bulshada Somaliyeed isagoo ku sifeeyay muwaadinad dalkeeda u shaqaysay.

Wuxuu ugu hambalyeeyay shaqada hadda hayso oo ah safiirka CARMA, wuxuuna sheegay inay tahay xubin aan laga maarmin khaas ahaa haweenka.

Maryam Qaasim ayaa dhankeeda ka mahad celisay soo dhaweynta uu u sameeyay Madaxweyne Farole, waxayna sheegtay inay u timi sannad guuradii ka soo wareegtay markii la sameeyay barnaamijka loogu magac daray dhimista dhimashada hooyada iyo dhallaanka.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA KULANKAASI KA SAMEEYAY SOMALICHANNEL

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM