Madaxweyne Galmudug oo eedeeyay gudoomiyaha Barlamanka Somalia

Image

07 January, 2016(GO)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xusen Guleed ayaa ka hadlay safarka gudoomiyaha Barlamanka Somalia ku tagay degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Guleed ayaa sheegay in Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari degmadaasi kawado carqaladaynta maamulka Galmudug iyo dadaalada ay wadaan xukuumadda Somalia ee lagu soo afjarayo khilaafka kala dhaxeeya Ahlusunna.

Madaxweynaha Galmudug oo hadalkan jeediyay xilli uu warbaahinta kula hadlay Cadaado ayaa tilmaamay in arrintani saamayn ku yeelan karto madasha wadatashiga doorashada Somalia ee 10 bisha lafilayo inay ka dhacdo Kismayo.

Hadalka Guleed ayaa kusoo beegmay xilli Afhayeenka Barlamanka Somalia degmadaasi maanta u tagay howlo la xiriira dhammaynta khilaafka mudada kala aloosan labada maamul ee ka dhisan gobollada dhexe, waxaana ku wehelinaya 25 mudane oo golaha shacabka Somalia katirsan.

Gudoomiye Jawaari eedaynta uga timi Cabdikariim Xusen Guleed wali kama hadlin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM