Madaxweyne Galmudug oo eedeeyay gudoomiyaha Barlamanka Somalia

Image

07 January, 2016(GO)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xusen Guleed ayaa ka hadlay safarka gudoomiyaha Barlamanka Somalia ku tagay degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Guleed ayaa sheegay in Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari degmadaasi kawado carqaladaynta maamulka Galmudug iyo dadaalada ay wadaan xukuumadda Somalia ee lagu soo afjarayo khilaafka kala dhaxeeya Ahlusunna.

Madaxweynaha Galmudug oo hadalkan jeediyay xilli uu warbaahinta kula hadlay Cadaado ayaa tilmaamay in arrintani saamayn ku yeelan karto madasha wadatashiga doorashada Somalia ee 10 bisha lafilayo inay ka dhacdo Kismayo.

Hadalka Guleed ayaa kusoo beegmay xilli Afhayeenka Barlamanka Somalia degmadaasi maanta u tagay howlo la xiriira dhammaynta khilaafka mudada kala aloosan labada maamul ee ka dhisan gobollada dhexe, waxaana ku wehelinaya 25 mudane oo golaha shacabka Somalia katirsan.

Gudoomiye Jawaari eedaynta uga timi Cabdikariim Xusen Guleed wali kama hadlin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM