Madaxweyne ku xigeenka Ahlusunna oo Xoriyadiisa helay

Image

26 August, 2015 (GO)-Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Ahlusunna Cabdillaahi Xirsi Diirshe Daacad ayaa xoriyadiisa dib u heley ka dib markii 20 August, 2015 lagu xirey Magaalada Cadaado ayaa dib u helay Xoriyadiisa.

Madaxwayne kuxigeenka ayaa la sheegay in lagu siidaayay damaanad, iyadoona lagu amray in uu ka baxo magaalada Cadaado oo xarunta KMG ah u ah maamulka Galmudug.

Daacad oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Sababta loo xiray ay tahay Shaqo uu ka waday Cadaado oo ku aadan in shacabka Cadaado ku nool ay taageeraan maamulka Gobolada Dhexe, balse aysan jirin cid uu danbi ka galay.

Arintaan ku soo beegmaysa xilli ay jiraan khilaaf u dhaxeeya Galmudug iyo maamulka Ahlusunna kaasi oo ku aadan maamulka dhawaan lagu dhisey Cadaado oo Ahlusunna sheegtey inaysan ku qanacsanayn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM