Madaxweyne Shiriif Xasan oo Garowe soo gaarey

Image

April 29, 2015 (GO)- Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shiriif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow magaalada Garowe soo gaarey. Mas'uuliyiinta ugu sarreysa dowladda Puntland ayaa Shiriifka iyo wafdigiisa  kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha.

Intaas kaddib wafdiga waxaa loo gudbiyey dhanka madaxtooyada halkaasoo ay horay ugu sugnaayeen wafuud kale oo ay kala hoggaaminayaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).

Wejiga labaad ee shirka wadatashiga dowladda dhexe ee federaalka iyo dowladaha qaybta ka ah federaalka ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo Garowe, qodobada diiradda lagu saari doonana waxaa ugu muhiimsan xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo dowladaha gobollada iyo weliba hirgelinta qorsheyaalka higsiga 2016.

Waa markii ugu horreysey ee Shiriif Xasan Sheekh Aadan yimaado Puntland laga soo bilaabo markii loo doortey Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM