Madaxweyne Xasan oo Baaq u Jeediyey Al-Shabaab

Image

MUQDISHO — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale baaq nabadeed u jeediyey maleeshiyada ururka Al-Shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya.

Hadal uu madaxweynaha ka jeediyey munaasabadda xuska maalinta xoriyadda Soomaaliya ee kowda Luulyo ayuu madaxweynaha kaga codsaday dagaalyahanada Al-Shabaab “inay ka waantoobaan ficillada argagxiso”. 

“Waxaan ugu baaqayaa in ay ka waantoobaan naftii hallignimada. In ay ka waantoobaan in ay dilaan naf aan waxba galabsan. 

In ay waalidkood iyo walaalahood ay ka joojiyaan argagax gelinta” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya. 

Madaxweynaha ayaa maleeshiyada Al-Shabaab ku tilmaamay “waa qorrax sii dhacayesa, umadda Soomaaliyeedna uma hakineyso weerarrada aan loo meel dayin ee naf-la-caariga ah”. 

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda ay guul-darrooyin culus gaarsiiyeen maleeshiyada Al-Shabaab, islamarkaana ay sii wadi dooonaan inta “goobaha yar ee weli gacantooda ku harsan iyo khatartooda la soo afjaro”. 

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya ayada oo kooxda Al-Shabaab ay dhowaanahan weeraro halis ah ka geysaneysay magaalada Muqdisho, oo uu ugu dambeeyey weerarkii 25-kii Bishii June ee 2016 ay ku qaadeen hotelka Nasa-Hablood ee magaalada Muqdisho.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM