Madaxweyne Xasan oo la shiray xildhibaannada mooshinka diidan

Image

November 27, 2014 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay qaar kamid ah xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinka ka dhanka ah xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Xildhibaan Bishaar Ugaas Ibraahim oo kamid ahaa xildhibaannada la kulmay Madaxweynaha ayaa waraysi uu siiyey Idaacadda VOA wuxuu kaga warbixiyey kulankaas iyo weliba  arimihii layskula soo qaadey.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxweynuhu ka codsaday inay xaaladda dejiyaan maadaama marxalad xasaasi ah lagu jiro khasabna tahay in khilaafka ka dhex jira baarlamaanka iyo hay'adaha kale ee dowladda wadahdal lagu dhameeyo.

Si wadahadal loo furo,  xildhibaannada mooshinka diidani waxay shardi ka dhigeen kana dalbadeen Xasan Sheekh inuu la hadlo kuwa mooshinka soo gudbiyey kuna amro inay mooshinkaas dib u celiyaan.

Madaxweynaha oo soo jeedintaas aqbalay ayaa sheegay in garabka kale ee xildhibaannada uu la kulmi doono kana dhaadhicin doono inay wadahal ogolaadaan, wadahadalkaas oo guddoonka baarlamaanku gar wadeen ka noqon doono.

Xasan Sheekh Maxamuud oo cadaadis badani uga imaanayo dhanka beesha caalamka wuxuu dadaal ugu jiraa sidii uu taageero uga heli lahaa xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinka oo iyagu caqabad ku noqday qorshaha laga soo abaabulay madaxtooyada ee la doonayo in lagu majo xaabiyo xukuumadda.

War-saxaafadeed (November 24, 2014) kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed waxaa lagu sheegay in Ra'iisul Wasaaruhu diyaar u yahay in khilaafka jira wadahal lagu dhameeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM