Madaxweyne Xasan oo magacaabay xisaabiyaha guud ee dowladda

Image

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta digreeto ka soo baxday xafiiskiisa lagu magacaabay Xisaabiyaha guud ee Qaranka. Digreetada ayaa u qorneyd sidan:


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, marii uu arkay Qodobka 87aad, farqadda 1aad Xaraf “C” iyo farqadda 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Markuu arkay Qodobka 90aad, Xarafka “K” ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Markuu Ogaaday: Baahida loo qabo dhameystirka dhisidda Hey’adaha Dowladda.

Markuu tixgeliyay: Aqoonta iyo waayo-aragnimada uu mudanaha xilkan loo magacaabay u leeyahay, Xisaabaadka Hey’adaha Dowladda oo uu muddo dheer ka soo shaqeynayay

Waxa uu soo saaray Madaxweynuhu xeerkan

Qodobka 1aad

Laga bilaabo marka uu Madaxweynuhu saxiixo Xeerkan, waxaa Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) loo magacaabay in uu noqdo Xisaabiyaha guud ee Qaran

Qodobka 2aad

Xisaabiyaha guud ee dowladda waxa uu mas’uul ka yahay si madaxbanaan Xisaabaadka hey’adaha dowladda iyo in uu la socdo qarashka Dowladda ay bixiso iyo ilaalinta wixii ah maal lacageed oo ah keydka Dowladda.

Qodobka 3aad

Wixii howlo, xuquuq iyo maamuus ah waxaa lagu dhaqayaa Xeerka Lr.11 ee 05/12/2006 ee shaqaalaha rayidka

Qodobka 4aad

Waxa uu xeerkan dhaqan gelayaa markii uu Madaxweynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabacayaa Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliyeed.

Digreetadan ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday saldhigga ciidamada Itoobiya ee Baydhabo

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka saaxiibbada caalamka.

  • Soomaliya

    06-04-2026

  • 03:20PM

Xasan Sheekh oo Baydhabo kulamo kawada xilli loolan loogu jiro Kursiga Madaxweynaha KG

Dhankooda, odayaasha dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo dadaallada dowladda.

  • Soomaliya

    05-04-2026

  • 02:30PM