Madaxweyne Xasan oo xalay oo la shiray labada garab ee barlamaanka

Image

November 22, 2014 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo dadaal ugu jira sidii loo meel marin lahaa mooshinka ka dhanka ah xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh, ayaa xalay kulamo gaar gaar ah magaalada Muqdisho kula qaatay labada garab ee xildhibaanada Baarlamaanka Federaalku ukala qaybsan yihiin.

Ugu horeyn Madaxweynuhu wuxuu xarunta madaxtooyada kula shiray xildhibaanada mooshinka soo gudbiyey isagoo ku booriyey inay dulqaad muujiyaan. Dhanka kale Xasan Sheekh ayaa xildhibaanada ka dhegeystey cabasho ay kasoo gudbiyeen guddoonka baarlamaanka iyagoo sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanku dhex dhexaad ka ahayn khilaafka hareeyey baarlamaanka.

Isla xalay wuxuu sidoo kale Madaxweynaha Dowlada Federaalku la shiray qaar kamid ah xildhibaanada mooshinka diidan isagoo ka codsday inay xaaladda dejiyaan islamarkaana joojiyaan fawdada iyo buuqa ay ka dhex sameynayaan fadhiyada baarlamaanka si loogu gudbo ka doodista mooshinka.

Kulanka ayaa sida ila wareedyo Villa Somalia ka agdhowi warbaahinta u xaqiijiyeen natiijo la'aan kusoo idlaaaday kadib markii xildhibaanada mooshinka diidani sheegeen inaysan aqbali doonin in baarlamaanka loo soo gudbiyo, maadaama sida ay tilmaameen mooshinkaasi yahay mid sharci darro ah islamarkaana laga soo abaabulay madaxtooyada.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shalay oo Jimce ahayd warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuusan intaas ka badan mooshinka sii hayn karin, sidaas darteed maalinta Isniinta ee soo socota xildhibaanada loo qaybin doono dabadeedna si toos ah ka doodistiisa loo bilaabi doono.

Jawaari ayaa dhanka kale digniin u jeediyey xildhibaanada mooshinka kasoo horjeeda isagoo sheegay in xildhibaankii fadhiga baarlamaanka carqaladeeya tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Guddoonka baarlamaanka ayaa labo mar oo hore ku guul daraystey inuu qaybiyo mooshinka, kadib markii in ka badan 120 xildhibaan oo diidan mooshinkaasi fadhiga baarlamaanka fawdeeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM