Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu horkacayo oo Kismayo gaarey

Image

December 18, 2014 (GO)- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaarey magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubaland.

Ujeedada socdaalka wafdiga Madaxweynaha ayaa ah sidii uu uga qayb geli lahaa munaasabad lagu sagootinayo ciidamada dalka Sierra Leone ee qaybta ka ah hawgalka AMISOM.

Ciidamada Sierra Leone ee joogey Kismaayo ayaa dib ugu noqon doona dalkooda hooyo iyadoo ay bedeli doonaan ciidamo kale oo Ethiopian ah.

Xasan Sheekh ayaa dhanka kale inta uu Kismaayo ku sugan yahay wuxuu la kulmi doonaa madaxda Maamulka Jubaland.

Faah faahin dheeri ah iyo sawirada dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM