Madaxweyne Xasan Sheekh oo Addis Ababa gaarey

Image

January 29, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa  gaarey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Wafdiga Madaxweynaha oo wasiiro iyo xildhibaano ku jiraan waxay ka qayb geli doonaan shir-madaxeedka dalalka Midowga Afrika oo berri Addis Ababa ka furmi doona.

Af-hayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Daa'uud Aweys ayaa sheegay in Madaxweynuhu shirka ka jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalka iyo weliba horumarrada laga sameeyey dhinacyada sugidda amaanka iyo siyaasadda.

Aweys ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynuhu mudada uu Addis Ababa ku sugan yahay la kulmi doono madax uu kamid yahay xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon oo isagu kamid ah marti sharafta shirka lagu casumey.

Shir-madaxeedka Midowga Afrika waxaa arimaha diirada lagu saari doono kamid ah: horumarinta maalgashiga qaarada Qaarada Afrika, la- dagaalanka cudurka Ebola iyo halista kooxda Boko Haram.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM