Madaxweyne Xasan Sheekh oo degmada Cadaado ku wajahan

Image

April 14, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan degmada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Madaxweynaha waxaa safarkiisan ku weheliya xubno ka tirsan golaha wasiirrada, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan.

Ammaanka si weyn ayaa loo adkeeyey, waxaana Cadaado ka socda diyaar garow xooggan oo ku aadan sii wafdigaas loo soo dhoweyn lahaa.

Xasan Sheekh muddada uu Cadaado ku sugan yahay wuxuu la kulmi doonaa mas'uuliyiinta maamulka Ximin iyo Xeeb, madaxda dhaqanka iyo qaybaha kale ee bulshada.

Wuxuu sidoo kale kormeer ku tegi doonaa goobta la qorsheeyey inuu ka dhaco shirka maamul u sameynta Galguduud iyo koonfurta Mudug.

Todobaadkii hore, Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tegey Dhuusomareeb wuxuu sheegay in shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ka dhici doono Cadaado, magaalo madaxda maamulkaasina noqon doonto Dhuusomareeb.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka Ximin iyo Xeeb ayaa kasoo horjeestey go'aanka Madaxweynaha iyagoo sheegay inuusan xaq u lahayn inuu go'aamino halka ay noqoneyso magaalo madaxda maamulkaasi.

Booqashadan oo ah tii ugu horreysey ee Madaxweynaha Soomaaliya ku tago magaalada Cadaado waxaa la filayaa inay qaadato muddo hal maalin ah.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM