Madaxweyne Xasan Sheekh oo degmada Cadaado ku wajahan

Image

April 14, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan degmada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Madaxweynaha waxaa safarkiisan ku weheliya xubno ka tirsan golaha wasiirrada, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan.

Ammaanka si weyn ayaa loo adkeeyey, waxaana Cadaado ka socda diyaar garow xooggan oo ku aadan sii wafdigaas loo soo dhoweyn lahaa.

Xasan Sheekh muddada uu Cadaado ku sugan yahay wuxuu la kulmi doonaa mas'uuliyiinta maamulka Ximin iyo Xeeb, madaxda dhaqanka iyo qaybaha kale ee bulshada.

Wuxuu sidoo kale kormeer ku tegi doonaa goobta la qorsheeyey inuu ka dhaco shirka maamul u sameynta Galguduud iyo koonfurta Mudug.

Todobaadkii hore, Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tegey Dhuusomareeb wuxuu sheegay in shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ka dhici doono Cadaado, magaalo madaxda maamulkaasina noqon doonto Dhuusomareeb.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka Ximin iyo Xeeb ayaa kasoo horjeestey go'aanka Madaxweynaha iyagoo sheegay inuusan xaq u lahayn inuu go'aamino halka ay noqoneyso magaalo madaxda maamulkaasi.

Booqashadan oo ah tii ugu horreysey ee Madaxweynaha Soomaaliya ku tago magaalada Cadaado waxaa la filayaa inay qaadato muddo hal maalin ah.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM