Madaxweyne Xasan Sheekh oo furey kal-fadhiga barlamanka DF

Image
Image
Image
Image
Image

April 27, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u daah furey kal-fadhiga lixaad ee barlamanka Soomaaliya.

Munaasabaddii lagu furayey fadhiga barlamanka waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid, Guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha guud iyo hanti-dhowraha qaranka.

Madaxweynaha oo khudbad dheer ka jeediyey madasha ayaa kula dardaarmey xildhibaannada inay mas'uuliyad dheeri ah iska saaraan dalkooda iyo dadka ay metelaan.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale barlamanka ka codsaday inay dedejiyaan ka doodista iyo ansixinta shuruucda la xiriirta doorashooyinka iyo dhismaha maamul goboleedyada.

Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma'arke oo isna si kooban uga hadlay furitaanka kulanka barlamanka ayaa ka warbixiyey safarradii uu dalka dibadiisa kusoo maray gaar ahaan socdaalkiisii dalka Kenya.

Wuxuuna sheegay in madaxda Kenya ay arimo badan kasoo wada hadleen si gaar ah wuxu u xusey qorshaha dib loogu soo celinayo qaxootiga Soomaalida, isagoo sheegay in arrintaas is afgarad laga gaarey laguna heshiiyey in qaxootiga waqti la siiyo khasabna lagu soo celin.

Ajandeyaal muhiim ah ayey mudaneyaasha barlamanku kal-fadhigan uga doodi doonaan, waxaana kamid ah kuwo badan oo khuseeya higsiga 2016. Xeerarka sida gaarka ah diiradda loo saarayo waxaa kamid ah: xeerka doorashooyinka, xeerka axsaabta iyo xeerka la-dagaalanka argagixisada. 

Kal-fadhigan ayaa la filayaa inuu noqdo mid ka hawl badan kuwii hore, maadaama waqtiga dowladda u dhimani kooban yahay shaqooyin badanna ay harsan yihiin. 

Fadhigii kan ka horreeyey waxaa barlamanka hareeyey khilaaf siyaasadeed iyagoo u kala jabey labo garab, kadib markii khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'isal Wasaarihii kalsoonida laga laabtey ee Cabdiweli Sheekh Axmed. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM