Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmey xubno ka tirsan naafada

Image
Image

March 23, 2014 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta maanta xafiiskiisa ku qaabiley xubno ka tirsan dadka naafada ah.

Kulanka oo qaatey muddo saacad ka badan, waxaa intiisa badan lagu gorfeeyey xaaladda naafada Soomaaliya iyo sidii wax loogu qaban lahaa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in la sameyn doono xafiis isku xira Madaxtooyada iyo Gudiga Naafada si xiriir joogto ah madaxtooyadu ula yeelato naafada ugana war qabto xaaladooda.

Xasan Sheekh ayaa dhanka kale  balan qaaday in la qaban doono shir weyne ay kasoo qayb geli doonaan xubno metelaya naafadaha Soomaaliya, kaasoo looga arinsan doono horumarinta naafadda iyo sidii daryeel joogto ah loogu fidin lahaa.

Cali Cabdulaahi Salaad oo ah Guddoomiyaha Guddiga Naafada ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta Madaxweynaha Soomaaliya u sameeyey isagoo sidoo kale sheegay in dhibaato aad u daran ay haysato naafada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM