Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaalada Kismaayo gaarey

Image


May 7, 2015 (GO)- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kismaayo, halkaasoo ay xilligan ka socoto xaflada caleema saarka Baarlamaanka Jubbaland ee dhowaanta lasoo xuley.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan maamulkiisa. Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

Wufuud tiro badan oo ka socoda Dowladda Federaalka, dowladaha qaybta ka ah federaalka, wadamada deriska, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa 24tii saac ee ugu dambeeyey magaalada Kismaayo soo gaarey.

Mas'uuliyiinta xilligan Kismaayo ku sugan waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Tedros Adhanom, Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Aamino Cabdullaahi iyo danjiraha IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey. 

Sidoo kale waxaa Kismaayo ku sugan wafdi ka socda Puntland oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabullaahi Camey. 

Ammaanka Kismaayo si weyn ayaa loo adkeeyey, waxaana xiran inta badan jidadka muhiimka ah ee magaalada dhex mara. 

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan xafladda caleema saarka barlamanka Jubaland, khudbadaha mas'uuliyiinta iyo sawirradaba dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa... 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM