Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaalada Kismaayo gaarey

Image


May 7, 2015 (GO)- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kismaayo, halkaasoo ay xilligan ka socoto xaflada caleema saarka Baarlamaanka Jubbaland ee dhowaanta lasoo xuley.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan maamulkiisa. Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

Wufuud tiro badan oo ka socoda Dowladda Federaalka, dowladaha qaybta ka ah federaalka, wadamada deriska, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa 24tii saac ee ugu dambeeyey magaalada Kismaayo soo gaarey.

Mas'uuliyiinta xilligan Kismaayo ku sugan waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Tedros Adhanom, Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Aamino Cabdullaahi iyo danjiraha IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey. 

Sidoo kale waxaa Kismaayo ku sugan wafdi ka socda Puntland oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabullaahi Camey. 

Ammaanka Kismaayo si weyn ayaa loo adkeeyey, waxaana xiran inta badan jidadka muhiimka ah ee magaalada dhex mara. 

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan xafladda caleema saarka barlamanka Jubaland, khudbadaha mas'uuliyiinta iyo sawirradaba dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa... 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM