Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho dib ugu soo laabtey

Image

February 17, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo todobaadkii hore safar caafimaad ugu baxay dalka Germany ayaa maanta dib magaalada Muqdisho ugu soo laabtey.

Mas'uuliyiin uu kamid ahaa gudoomiyaha barlamanka ayaa wafdiga Madaxweynaha kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha.

Madaxweynuhu wax war ah warbaahinta garoonka dhexdiisa kuma siin, haseyeeshe waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu shir-jaraa'id ku qabto madaxtooyada.

Safarka caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku tegey dalka Germany ayaa ahaa kii labaad ee noociisa ah ee dalka dibadiisa uu ku tago laga soo bilaabo markii uu xilka qabtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM