Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Danjire Kay oo degmada Baydhabo gaarey

Image

October 28, 2014 (GO)- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada Federaalka islamarkaana qayb ka yihiin Ergeyga Qaramada Midoobay ee Somaaliya Nicholas Kay iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Federaalka ayaa gaarey degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ugu soo dhoweeyey mas'uuliyiin uu kamid yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaaari, xildibaano iyo boqollaal dadweyne ah oo ruxayey calanka Soomaaliya iyo boorar ereyo soo dhoweyn ahi ku qoran yihiin.

Xasan Shiikh ayaa maanta furaya shirka lagu dhamaystirayo dhismaha maamul goboleedka koonfur galbeed oo bilhii u dambeeyey qorshihiisu socdey. Madaxda maamulka koonfur galbeed, isimo iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool ayaa ku sugan hoolka shirka.

Dhanka kale ammaanka Baydhabo ayaa maanta si weyn loo adkeeyey waxaana dhamaan jidadka muhiimka ah iyo agagaarka xarunta ADC ku sugan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah hawgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.

Booqashada Madaxweyne Xasan Shiikh ku tegey degmada Baydhabo waxay kusoo aadeysaa xilli khilaaf xoogani ka dhexeeyo isaga iyo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed.

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan shirka Baydhabo iyo weliba khudbadaha mas'uuliyiinta Dowladda Federaalku kasoo jeediyaan dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM