Madaxweyne Xasan Shiikh oo u ambaxey dalka Denmark

Image

Isniin, 17 Nov, 2014 [GO]- Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia Xasan Shiikh Maxamud ayaa saaka u ambaxey dalka Denmark magaaladiisa Copenhagen halkaas oo maalinta berri ah ka furmayo kulan beesha caalamka kaga hadleyso Higsiga cusub.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyey 7 Wasiir oo ka tirsan xubnihii ka codsadey hebeenkii xaley Ra'isal wasaaraha dowlada Somalia inuu is-casilo waxaana hurmuud ka ahaa Wasiirka Arrimaha dibada iyo kan arrimaha gudaha Godax.

  "Shirka Denmark waa ka weyn yahay khilaaf u dhexeeya labo qof balse waxaa looga hadli doono sidii dalka Somalia loo tageeri lahaa." sidaas waxa yiri Wasiirka arrimaha gudaha Godax oo kamid ahaa 14 xubnood ee ka codasdey inuu is-casilo Ra'isal waasre Cabdiweli Shiikh.

Gudoomiyaha Barlamanka Somalia iyo qaar ka tirsan Xildhibaanda tageersan mooshinka ka dhanka ah Ra'isla wasaaraha Somalia ayaa Madaxweyne Xasan Shiikh ku sii sagootiyey garoonka diyaardaha ee Muqdishu.

Shirka Copenhagen ayaa waxaa kasoo qayb galaya dalal iyo hay'ado tageera mashaariicda hurumarineed ee Somalia halka dowlada Mareykanka qaadacdey gabi ahaantiisaba.

Dowlada Mareykanka ayaa dalka Somalia ka tageerta dhinacyada dhaqaalaha iyo tageerada ciidamada dagaalka kula jira kooxaha Al-shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM