Madaxweynihii hore Puntland iyo Danjire Kay oo Garowe ku kulmay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image

 19 November, 2015(GO)-Danjiraha xilku ka dhammaaday ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Somalia Nichlos Kay, ayaa maanta booqday hoyga magalada Garowe ka daganyahay madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Shekh Maxamed Maxamud Farole.

Kulan dhexmaray labada mas'uul ayay uga wada hadleen arrimaha Somalia, iyo waqtigii ay soo wadashaqeeyeen.

Shirka ka dib waxaa saxaafada si wadajir ah ula hadlay Farole iyo Kay, waxayna tilmaameen inay soo yeesheen wadashaqeyn wanaagsan.

Madaxweynihii Puntland Cabdiraxmaan Farole oo ka mahad celiyay booqashada ugu yimi Kay, wuxuuna tilmaamay danjiruhu inuu ahaa safiirkii ugu horeeyay ee waqtigiisa ku dhammaysta Somalia, islamarkaana horseed ka noqday inay ku daydaan safaraadaha kale ee dunida.

"Sidaad ogtihiin Somalia wuxuu yimi bishii Jun 2013, si gaara ayuu anaga reer Puntland noola shaqeeyay, gaar ahaan waqtigii doorashadii dolwalada hoose oo ay rabshaduhu dhici gaareen, wuxuu ku sugnaa Garowe, si gaar ah ayuu noola shaqeeyay sidii doorashadu u dhici lahayd, waana uga mahadcelinaynaa inuu waqtigaasi nala joogay" Ayuu yiri Farole.

Farole, ayaa xusay inuu jeclaan lahaa joogitaankiisa ilaa 2016, si uu ula socdo doorashada dalka ka dhacaysa maadama macluumaad badan hayo.

Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Somalia Nicholas Kay, ayaa dhankiisa xusay mudada labada sano iyo barka ah ee uu joogay Somalia, inuu xasuusan doono waxqabadkii iyo hormarka ka dhacay Puntland mudadii uu xilk hayay Farole.

Kay, ayaa tilmaamay inay ilaa xalay wadatashiyo ka samaynayee mustaqbalka Somalia, iyo doorashada dhici doonta 2016, wuxuuna rajo wanagsan ka muujiyay in dalka ka dhici doonaan isbadalo dhanka hormarka.

Dhawaan waxaa la filayaa inuu Somalia yimaado danjiraha badali doona Nicholas Kay, si Qaramada Midoobay u sii wado qorshayeeshada ku aadan Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM