Madaxweynihii hore Puntland iyo Danjire Kay oo Garowe ku kulmay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image

 19 November, 2015(GO)-Danjiraha xilku ka dhammaaday ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Somalia Nichlos Kay, ayaa maanta booqday hoyga magalada Garowe ka daganyahay madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Shekh Maxamed Maxamud Farole.

Kulan dhexmaray labada mas'uul ayay uga wada hadleen arrimaha Somalia, iyo waqtigii ay soo wadashaqeeyeen.

Shirka ka dib waxaa saxaafada si wadajir ah ula hadlay Farole iyo Kay, waxayna tilmaameen inay soo yeesheen wadashaqeyn wanaagsan.

Madaxweynihii Puntland Cabdiraxmaan Farole oo ka mahad celiyay booqashada ugu yimi Kay, wuxuuna tilmaamay danjiruhu inuu ahaa safiirkii ugu horeeyay ee waqtigiisa ku dhammaysta Somalia, islamarkaana horseed ka noqday inay ku daydaan safaraadaha kale ee dunida.

"Sidaad ogtihiin Somalia wuxuu yimi bishii Jun 2013, si gaara ayuu anaga reer Puntland noola shaqeeyay, gaar ahaan waqtigii doorashadii dolwalada hoose oo ay rabshaduhu dhici gaareen, wuxuu ku sugnaa Garowe, si gaar ah ayuu noola shaqeeyay sidii doorashadu u dhici lahayd, waana uga mahadcelinaynaa inuu waqtigaasi nala joogay" Ayuu yiri Farole.

Farole, ayaa xusay inuu jeclaan lahaa joogitaankiisa ilaa 2016, si uu ula socdo doorashada dalka ka dhacaysa maadama macluumaad badan hayo.

Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Somalia Nicholas Kay, ayaa dhankiisa xusay mudada labada sano iyo barka ah ee uu joogay Somalia, inuu xasuusan doono waxqabadkii iyo hormarka ka dhacay Puntland mudadii uu xilk hayay Farole.

Kay, ayaa tilmaamay inay ilaa xalay wadatashiyo ka samaynayee mustaqbalka Somalia, iyo doorashada dhici doonta 2016, wuxuuna rajo wanagsan ka muujiyay in dalka ka dhici doonaan isbadalo dhanka hormarka.

Dhawaan waxaa la filayaa inuu Somalia yimaado danjiraha badali doona Nicholas Kay, si Qaramada Midoobay u sii wado qorshayeeshada ku aadan Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM