"Madmadow ku jira" hadalkii Khayre ee doorashadda oo farta lagu fiiqay
MUQDISHO, Soomaaliya – Inkasta oo qaar kamid ah axsaabta mucaaraadka iyo maamulada dalka ay soo dhaweeyeen hadalkii ra'iisul wasaaraha ee doorashadda, haddana Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dooda dhinac u ridday.
Coddeynta dhamaadka sanadkan ayaa qorshuhu ahaa in ay noqoto qof iyo cod, balse waxaa la sheegay in aysan dhici karin iyaddoo la cuskanayo arrimo uu amniga kamid yahay, balse waxaa ku adkeysaneysa dowladda.
Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya oo farta ku fiiqay "madmadow" ku jira dhawaqa wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa rumeysan in dowladda looga baahan yahay in ay caddeyso mowqifkeeda.
Hogaamiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka oo aaminsan in lasoo dhaafay waqtigii ka hadli lahayd doorashadda ayaa ku nuux-nuux saday baahida loo qabo in wada-xaajood laga galo qadiyadan.
"Ra'iisul wasaaraha waa mahadsan yahay, laakiin waxaa jirta xikmad Af Ingiriiska lagu dhaho 'too little, too late' waxa uu ka hadlay ra'iisul wasaaraha aad ayay u yar yihiin, waqtigii in laga hadlo ahaydna mar hore ayay soo dhaaftay, ra'iisul wasaaraha hadalkiisa waan dhageystay doorasho waqtigeeda ku dhacda ma dhihin, ra'iisul wasaaraha wuxuu dhahay 'afartii sano dalkan doorashaa ka dhici jirtay, waa in ay dhacdaa doorasho'" ayuu u sheegay Tv-ga Dalsan.
Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo hadalkaas ka sheegay shirka golaha wasiiradda ee qabsoomay 30-kii May, 2020 ayaa adkeeyay in doorashadu noqoto mid loo dhan yahay oo saamileyda kawada xaajoodaan.
Hase ahaatee, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu daaha ka rogay qodobo kale oo loo baahnaa in ra'iisul wasaaruhu kusoo hadal-qaado khudbadiisa.
Mar la su'aalay in hadalkaas uu la macno yahay in doorashadu waqtigeeda ku dhaceyso ayuu ku jawaabay "siyaasaddu sidaas ma gasho, siyaasadda mar kasta in ay cadaato waaye, ifaham ma gasho, waxa aad adiga kawado, hadaan doono sidaad doonto ma u fahmaayo, si kalaa u fasiranayaa, hadaadana adiga fasirin, ra'yiga siyaasiga ah qofka iska leh hadaanu fasirin, dadka loo sheegayo sidday doonan ayay u fasiranayaan, dambina kuma lahan in ay siday doonan u fasirtaan, marka ra'iisul wasaaraha waqtiga ma sheegin, nooca doorashadda ma sheegin, cidda maamuleysa ma sheegin, su'aashana aniga waxaan qabaa sidda loo address gareeyay ma ahan, ra'iisul wasaaraha intii saxaafadda u yeerto, oo soo hor-fariisto in uu yiraahdo, barnaamijka doorashada ee dowladda waa sidaan, saanuu u dhacaa, waqtigaanuu dhacaa, cidaanaa maamulee, meelahaanuu ka dhacaa, intuu home work soo sameysto dadka ha hor-yimaado".
Wuxuu ku daray: "Laakiin, khudbad yar oo sidda la sheegayo aniga ma hubee nin wasiiroo Golaha Wasiiradda ku jiroo Zoom-ka uga qeyb-galay shirka su'aal uu waydiiyey ka jawaabisteeda unbey ahayd, waa ku dhiman tahay dowladda wali, mowqifka doorashadda in ay caddeyso, waqtigiina waa lasoo dhaafay".
Ka hadalka mawduuca doorashadda Soomaaliya ee 2020-21 ayaa aad u badan asbuucyaddii lasoo dhaafay, waxaana ugu wacan mudda xileedka dowladda oo dhamaad ah iyo ifafaalo muujineysa in ay dhaceyso oo shaki la gelinayo.
GAROWE ONLINE