Magacyada iyo sawirrada qaar kamid ah dadkii ku dhintey qaraxa

Image

February 21, 2015 (GO)- Garowe Online waxaa u suuragashay inay hesho magacyada iyo sawirrada qaar kamid ah dadkii ku dhintey weerarkii is-miidaaminta ahaa ee shalay magaalada Muqdisho ka dahcay. Dadka weerarka ku dhintey oo tiradoodu labaatan qof kor u dhaafaysay, waxaa ku jira qaar badan oo deegaan ahaan Puntland kasoo jeeda.

Cabdi Shakuur Mire Aadan: oo ahaa siyaasi, qoraa iyo saxafi ruug caddaa ah. Cabdishakuur Mire oo Cobol ku magac dheeraa wuxuu xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii soo maray Puntland 2002-2013. Muddooyinkii ugu dambeeyey wuxuu ku sugnaa magaalada Muqdisho wuxuuna ahaa guddoomiye ku-xigeenka urur-siyaasadeeda Daljir.

Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Yaasiin Keenadiid: kana mid ahaa Isimmada Puntland. Suldaanka oo ka soo jeeday saldana caanka ah ee Keenadiid wuxuu muddooyinkii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Axmed Ducaale Xaaji Kafee: oo ka tirsanaa barlamanka Somalia. Deegaan ahaan wuxuu kasoo jeeday gobolka Sool ee Puntland wuxuuna bedeley xildhibaanad Saado Cali Warsame oo iyadana sanadkii hore magaalada Muqdisho lagu diley.

Xildhibaan Cumar Cali Nuuf Furdug: oo isna ka tirsanaa xildhibaannada barlamanka Soomaaliya ayaa kamid ah mas'uuliyiinta dowladda ka tirsan ee weerarkii shalay ku geeriyoodey.

Cabdifataax Khaliif Baadiyow iyo Maxamed Cilmi: oo labadooduba ka tirsanaa xafiiska Ra'isal Wasaaraha ayaa kamid ah dadka dhintey. Baadiyow wuxuu ahaa la-taliyaha Ra'isal Wasaaraha halka Maxamed Cilmi ka ahaa xog-hayaha joogtada ah ee xafiiska Ra'isal Wasaaraha.

Shire Jaamac  iyo Maxamed Amiin Guure: oo ahaa labo arday oo magaalada Bosaso ka tegey kuwaasoo Muqdisho u doontay deeq waxbarasho oo Turkiga ah ayaa kamida dadka geeriyoodey Shire wuxuu sanadkii hore ka qalin jebiyey heerka koowaad waxbarashada jaamacadda isagoo kulliyada Maamulka Guud ka dhameystey Jaamacadda Muqdisho laanteeda magaalada Bosaso, sidoo kale Amiin wuxuu sanadkii 2013  ka qalin jebiyey kulliyada Maamulka Ganacsiga ee isla jaamacadda Muqdisho laanteeda Puntland.

Dadka weerarkaas ku dhintey waxaa sidoo kale kamid ah  guddoomiye ku xigeenkii dhanka siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed (Caano-geel) iyo agaasimihii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Weshedaha Puntland Maxamed Yuusuf Sharlaawe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM