Ku-xigeenka Barlamanka oo digniin u direy xildhibaanada [Dhageyso]

Image

27 August, 2015 (GO)-Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Somalia Mahad Cabdalla Cawad ayaa ku eedeeyey xildhibaanada Somalia in aysan wax badan ka qaban shaqadii loo igmaday.

Mahad waxaa uu sheegay in dadka ku jira xabsiyada dowladda aysan ku jirin dad loo soo xiray musuq maasuq, taasna ay muujineyso in wax shaqo ah aysan qaban cidii loo xirsaaray oo baarlamanku qeyb ka yahay.

"Hadii xukuumadu tiri maanta wixii ka dambeeya ma lagu qaadi karo sifo aan sharci ahayn waxaas, mana lagu bixin karayo sifo aan sharci ahayn, baarlamaankana gaarey xukuumada gaarey ayna fuleyn, hadde arinta waxay u baahantahay in si hoose la isu weydiiyo, waa arin talo u baahan, hadii aan arinta wax laqaban ugu yaraan sanadka noo harey Somalia meel halis ah ayaan u dirney"Ayuu yiri Mahad Cabdalla.

Hadalkan ayuu ka jeediyay kalfadhiga 6-aad ee baarlamaanka Somalia oo shalay ka qabsoomey Muqdisho, waxuuna ku soo beegmayaa xilli uu jiro musuq maasuqu ku baahay hay'adaha dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM