Mallayshiyaad katirsan Daacish oo Baydhabo lagu xukumay

Image

BAYDHABO, Somalia- Maxkamdda Ciidamada Qalabka sida qaybteeda Lixdanaad ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay ayaa go'aamisay xukumka ay mutaysanayaan rag la sheegay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish.

Ragga la xukumay oo gaarayay ila Afar qof ayaa lagu helay dhammaan kiisaskii loo haystay halka la fasaxay labo kale oo raggan lala xiriinayay, balse baaritaan kadib waxba lagu heli wayay.

Mallayshiyaadka la xukumay ayaa kala ahaa; Cabdicasiis Xasan Mursal oo lagu eedeeyey in kooxda Daacish ay usoo wakiilatay magaalada Baydhabo, si uu uga fuliyo falalka guracan ee kooxdaasi.

Mahad Nuur Siidow oo isna lagu sheegay inuu yahay ninka Daacish ay wakiilka uga dhigatay in Baydhabo uu ka fuliyo qaraxyada, isagoo la tilmaamay in uu awood u leeyahay in gacantiisa uu ku sameeyo waxyaabaha qarxa. 

Labada kale ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Sheakh Maxamed iyo Cali Maxamed Gaabow oo lagu eedeeyey in labaduba ay u xilsaarnaayeen fulinta dilalka qorsheysan ee kooxda Daacish ay ku talo gashay iney ka sameyso xarunta gobolka Baay. 

Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta Lixdanaad Gaashaanle Aadan Abuukar Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukun ah min toban sano oo xabsi ciidan ah, waxaana  la sheegay inay tahay cawaaqibka ay heleen raggaasi.

02 September, 2016 ayaa raggan lagusoo badhigay magaalada Baydhabo, waxayna noqonaysaa markii ugu horraysay oo mallayshiyaad xiriir la leh Daacish lagu maxkamadeeyo dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Dagaal ka ku socda Deegaanno Hoostaga Moqokori

Saraakiil amni ayaa sheegay in ujeedada howlgalka ay tahay in la jebiyo isku-day kasta oo kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    05-07-2025

  • 01:05PM

Dowladda Soomaaliya oo Taageero Dhaqaale u raadinaysa Howlgalka AUSSOM

Howlgallada Midowga Afrika ayaa noqday ku fashil ah oo aan kasoo bixin natiijo wanaagsan, maadaama Al-Shabaab wali awood leedahay.

  • Soomaliya

    05-07-2025

  • 12:55PM