​Mallayshiyaad katirsan Shabaab oo lagu dilay Buulo-Burte

Image

MUQDISHU- Saraakiil katirsan dowladda Somalia, ayaa sheegay inay dileen horjoogayaal iyo mallayshiyaad katirsan kooxda Al Shabaab kadib howlgal ciidamada dowladdu ka sameeyeen deegaan 40KM u jira degmada Buulo-burte gobolka Hiiran.

Dowladdu ma sheegin tirada iyo magacyada horjoogayaasha la dilay, balse waxay tilmaameen in lagu weeraray saldhigooda degmadaasi.

Dhinaca kale guddoomiyaha Buulo-burte Cabdicasiis Duuroow Cabdi, ayaa Radio Muqdishu u sheegay in howlgalkaasi lagu laayay koox Shabaab katirsan kuwaasi oo tilmaamay inay dhibaato ku hayeen bulshada deegaanka.

Wuxuu soo jeediyay inay dowladdu u howl gasho qaabkii deegaanka looga sifayn lahaa degmada, wuxuuna intaasi raaciyay inay dhibaato xooggan ku hayaan shacabka iyagoo ka qaada lacago sharci darro oo ay ugu yeeraan "Zakawaat".

Arrintan, ayaa kusoo beegantay xilli shalay Maraykanku sheegtay inay duqayn ka gaystay Koofurta Somalia, gaar ahaan degmada Af-gooye.

Waxaa siyaaday howlgallada ka dhanka ah Shabaab ee lagu qaadayo saldhigyadooda Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM