Maamulka Jubbaland oo ka hadlay qaraxii lala eegtay AMISOM

Image
Image
Image

Sept 20, 2014 (Garowe Online)- Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay qarax maanta bartamaha magaalada Kismaayo lagula eegtay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Burundi.

Afhayeenka mamulkaa Jubbaland Cabdinaasir Seerar Maax oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ay ku dhaawacmeen sideed ruux oo rayid ah kuwaasoo qaar kamid ah xaaladooda caafimaad ay aad u liidato.

Seeraar ayaa ku eedeeyey weerarkaas kooxda Al-shabaab oo sida uu tilmaamay ah kuwo naf lacaari ah oo meelaha ay ku sugan yihiin weeraro noocaan oo kale ah ka gaysta.

Ma jiro wax khasaare ah oo qaraxaas kasoo gaaray ciidanka Burundi marka laga reebo waxyeelo soo gaartay gaarigii uu qaraxu haleelay.

Dadka Kismaayo ayuu ugu baaqay inay ka qayb qaataan adkaynta amniga isla markaasna ay laamaha ammaanka kusoo war galiyaan waxay ka shakiyaan.

Kismaayo ayaa waxaa ka socda wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka iyo Gado, shirkaas oo goobta uu ka socdo ammaankeeda si weyn loo adkeeyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM