MAP oo kasoo horjeesatay xeerka Saxaafadda Barlamanka Somalia ansixiyay

Image

30 December, 2015(GO)-Ururka saxaafiyiinta Puntland ee MAP ayaa kasoo horjeestay xeerka Warbaahinta Somaliyeed ee dhawaan Barlamanku ku ansixiyeen magalada Muqdishu xarunta dalka Somalia.

Gudoomiyaha ururka Faysal Khaliif Barre oo waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe, ayaa ka hadlay sababta xeerkan u naqdiyeen, wuxuuna tilmaamay inuu yahay mid ku tumanaya danta wariyaasha iyo shacabka Somaliyeed isagoo taageero siinaya xukuumadda.

Wuxuu xusay in xeerkan awood siinayo dowladda Somalia, taasina macnaheedu tahay in xukuumadda Somalia maamusho guddiga warbaahinta Somaliyeed oo ku imaanaya digreeto Madaxweyne isla markaana waqtigii uu doono kala dirayo.

Faysal ayaa tilmaaman in ururka warbaahinta Somaliyeed oo xeerkan soo dhaweysay inaysan talo galyo kasiin go'aankaas, balse u madax banaanyihiin fikradooda, wuxuuna si aad ah u dhaliilay dhawr qodob oo qaybtood dhigayso in wariyaashu lahaadaan aqoon Jaamacadeed.

Gudoomiha oo walaac ka muujinaya xeerka ayaa su'aal galiyay sababta Barlamanka Somalia u ansixiyeen xeer dhibaatayna wariyaasha ku shaqeeya duruufo adag, wuxuuna tilmaamay inay ka soo saari doonaan qoraalo xeerka iyo dhibaatadiisa uga hadlayaan.

Arrinta ayaa timi kadib markii Todobaadkan Barlamanka Somalia qalinka ku duugay xeerkii ugu horraysay ee yeeshaan warbaahinta Somaliyeed oo muddo 9 sano ku dhex wareegayay dhinacyada ay khusayso sida uu sheegay maanta wasiirka warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM