Maraakiibta dagaalka Kenya oo duqeeyay deeganka Kudhaa

Image

Isniin 20 Oct,214 [GO]- Ciidamada dowlada Kenya oo qeyb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta AMISOM ayaa duqeeyay deeganka Kudhaa  oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose halkaasoo gacanta ku hayaan dagaal yahanada Al-Shabaab. 

Maraakibta dagalka dowlada Kenya ayaa xalay ilaa shalay galab duqeymo ka geysanayay deegankaas oo leh dekedda macmal ah. 

Dadka deeganka ayaa ku waramay qaarkood in duqeymaha Maraakiibta geysteen khasaaro.

Kudhaa waa deegaan leh deked macmal ah oo ay ka dhoofto dhuxusha waana sababta keentay in marar badan Al-Shabaab ku dagalanto difaacdana maadama ay dhaqaale ka helaan kooxdaani.

Ciidamada Cirka kuwa Badda dowlada Kenya ayaa badanaa beegsada deeganada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin Jubbooyinka. 

Ururka Al-Shabaab ayaa dhumiyey dhamaan magaalooyinka ku yaala xeebaha Koonfurta Somalia kadib markii dhowaan laga qabsadey magaalada Baraawe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM