Maraakiibta dagaalka Kenya oo duqeeyay deeganka Kudhaa

Image

Isniin 20 Oct,214 [GO]- Ciidamada dowlada Kenya oo qeyb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta AMISOM ayaa duqeeyay deeganka Kudhaa  oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose halkaasoo gacanta ku hayaan dagaal yahanada Al-Shabaab. 

Maraakibta dagalka dowlada Kenya ayaa xalay ilaa shalay galab duqeymo ka geysanayay deegankaas oo leh dekedda macmal ah. 

Dadka deeganka ayaa ku waramay qaarkood in duqeymaha Maraakiibta geysteen khasaaro.

Kudhaa waa deegaan leh deked macmal ah oo ay ka dhoofto dhuxusha waana sababta keentay in marar badan Al-Shabaab ku dagalanto difaacdana maadama ay dhaqaale ka helaan kooxdaani.

Ciidamada Cirka kuwa Badda dowlada Kenya ayaa badanaa beegsada deeganada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin Jubbooyinka. 

Ururka Al-Shabaab ayaa dhumiyey dhamaan magaalooyinka ku yaala xeebaha Koonfurta Somalia kadib markii dhowaan laga qabsadey magaalada Baraawe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM