Maraykanka oo 24 sano kadib safiir usoo dirsanaya Somalia

Image

February 25, 2015 (GO)- Dowladda Maraykanka ayaa muddo labaatan iyo afar sano kaddib ah safiir cusub usoo magacaabatey dalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay aqalka cad ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Barack Obama safiirka cusub ee Maraykanka u fadhin doona Soomaaliya usoo magacaabay Katherine S. Dhanani.

"Madaxweyne Obama wuxuu maanta u doortey Katherine S. Dhanani inay noqoto safiirkii ugu horreeyey dowladda Maraykanka u joogi doona Soomaaliya, laga soo bilaabo sanadkii 1991" war-saxaafadeedka ayaa sidaas lagu yiri.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu xusey in tallaabadani cadeyn u tahay xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya labada dal iyo weliba horumarka Soomaaliya ka sameysey dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda.

"Magacaabistan taariikhiga ah waxay cadeyn u tahay xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, waxay sidoo kale dadka Soomaaliyeed u tahay tilmaan ay ku ogaan karaan horumarka ay sameeyeen kadib muddo labaatan sano ka badan oo xasilooni-darro ah"

Ugu dambeyntii waxaa war-saxaafadeedka lagu sheegay in safiirka cusub hadii la ansixiyo ay si kumeel gaar ah xarunteedu u noqon doonto Nairobi sababo la xiriira ammaanka magaalada Muqdisho, balse haddii xaaladu is bedesho dib loo furi doono safaaraddii Maraykanka ee magaalada Muqdisho.

Katherine Dhanani oo ah diblumaasi khibrad dheer leh waayo aragnimo fiicanna ka heysatada arrimaha Qaaradda Afrika, waxay horay uga soo shaqeysey wadamo badan oo ay ka mid yihiin India, Mexico, Zimbabwe, Gabon, Zambia iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Konga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM