​Maraykanka oo duqayn ku dilay horjoogayaal katirsan Al Shabaab

Image

MUQDISHO, Somalia-Taliska Howlgalka militariga Mareykanka ee Geeska Africa, ayaa sheegay in 4 xunbood oo kamid ahaa Kooxda Al Shabaab ku dileen Duqeymo ay ka fuliyeen Koonfurta Somalia Todobaadkan.

Africa Command ma uusan sheegin Magacyada Horjoogiyaasha Al Shabaab ee ku dhintay Duqeymaha, balse waxa uu xusay in Weerarka uu ahaa mid Is-difaacid ah, oo ka dhacay Dulkeedka deegaanka Tooratorow.

Warka kasoo baxay dowladda Mareykanka, ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas fuliyeen Diyaaradao Dagaal oo Duqeyeeyay Goob Al Shabaab ku sugan yihiin oo ku dhaw degmadaasi.

Duqeynta waxay ka danbaysay kadib markii Al Shabaab  dagaal ku qaadeen ciidamada Kumaandooska Somalia iyo kuwa Mareykanka oo Howlgallo military kawaday nawaaxiga Tooratorow.

Diyaaradaha Drones-ka Militariga Mareykanka ayaa Bishii May, ee sanadkan duqayn Cirka ah ku diley Cabdullaahi Xaaji Da'uud, oo ahaa Horjooge sare oo kamid ahaa Kooxda Al Shabaab.

Xigasho: AP

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM