​Maraykanka oo sheegtay duqaymo ka dhacay Somalia

Image

KISMAYO- Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Maraykanka ayaa sheegatay duqaymo Isniintii iyo Talaadadii lasoo dhaafay ka dhacday koofurta Somalia gaar ahaan gobolka Jubbada hoose.

Sida laga soo xigtay Afhayeen u hadlay Pentagon-ka dalkaasi, waxaa duqaymahaasi ahaayeen labo ay fuliyeen dayuuradahooda aan duuliyaha wadan iyagoo sheegay inay la eegteen mallayshiyaad katirsan Shabaab kuwaasoo tilmaameen inay khatar ku hayeen ciidamadooda.

Maraykanka ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay 12 katirsan kooxda Shabaab, waxaana duqaymahaasi ka dhaceen deegaano lagu magacaabo Cabdalla Biroole oo Isniintii la duqeeyay iyo Yoontow oo lagu dilay 8 ruux shan kamid ah shacab ahaayeen.

Deegaanadan ayaa hoos taga magalada Kismayo xarunta maamulka Jubbaland.

Duqaymahan ayaa yimid iyadoo maalmihii ugu dambeeyey ay diyaarado dagaal oo iskugu jira kuwa qumaatiga u kaca iyo kuwa aan duuliyaha wadin (Drone) ay duqaymo is daba-joog ah ka gaysanayeen deegaannada ay ka taliyaan ururka Al-Shabaab.

Tan iyo bishii hore waxaa duqaymo kala duwan laga gaystay deegaano katirsan dhulka Somalia gaar ahaan Koonfurta, waxaana meelaha la beegsaday kamid ah; Kukobibir, Beerxaani, Jilib, Cabdi Dhoore iyo Kamsuma.

Majirto wax war ah oo dhanka Al-Shabaab kasoo baxay, waxayse horay dowladda Somalia u sheegatay qaybo kamid ah howlgalladaasi iyadoo tilmaamtay inay fuliyeen ciidamadooda sida khaaska ah loo tababaray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM