Maraykanka oo sheegtay mas'uuliyadda duqeyntii Gedo ka dhacday

Image

March 14, 2015 (GO)- Dowladda Maraykanka ayaa xaqiijisey in mid kamid ah diyaaradaheeda bilaa duuliyaha ahi fulisey duqeyn labo maalmood kahor ka dhacday gobolka Gedo taasoo la sheegay in lagu diley sarkaal ka tirsanaa hoggaanka sare ee ururka Al-shabaab oo lagu magacaabi jirey Aadan Garaar.

Af-hayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka oo lagu magacaabo Steve Warren ayaa sheegay in weerarkaas Maraykanku fuliyey bartilmaameedkuna ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Steve Warren ma xaqiijin in duqeynta lagu diley Aadan Garaar iyo in kale, balse wuxuu sheegay in weli ay baaritaan arrintaas la xiriira wadaan wixii kasoo kordhana dib kasoo gudbin doonaan.

Dhanka kale, mas'uuliyiin ka tirsan sirdoonka Kenya oo aan magacyadooda la shaacin ayaa u sheegay Wargeyska Daily News ee Nairobi kasoo baxa in sirdoonka Kenya iyo Maraykanku is dhaafsadeen macluumaad muhiim ah oo ku saabsan ninka duqeynta lagu bartilmaameedsaday.

Gaari yar oo sarkaalkaas iyo nin kale la socdeen ayaa diyaarad nooca bilaa duuliyaha ahi dhowr gantaal la heshay maalinnimadii Khamiista March 12, 2015, xilli uu marayey deegaanka Aqabuul oo qiyaastii 40km degmada Baardheere dhanka bariga kaga beegan. 

Sarkaalka duqeynta lugu diley ayaa ka tirsanaa qaybta amniyaadka ee Al-shabaab, waxaana la sheegay inuu kamid ahaa xubnaha ugu firfircoon. Maraykanka ayaa bilihii u dambeeyey kordhiyey duqeymaha uu ka geysanayo dalka Soomaaliya ee ka dhan ah ururka Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM