Mareykanka: Malleeshiyaad baan ku dilnay Weerarkii duleedka Gaalkacyo

Image

Dowladda Mareykanka ayaa qiratay inaysan Al shabaab ku dilin weerarkii Bishii September ka gaysteen diyaardaheeda dagaalka duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. 

War kasoo baxay wasaarada difaaca Mareykanka ee Pentagon, oo Reuters faafisay ayaa lagu sheegay in 10 Maleeshiyo Beeleed ah ku dileen, 3 kalena ku dhaawacmeen weerarka cirka ah, oo dhacay Sept 28, 2016.

Pentagon ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid is-difaacid ah, oo ay uga hortageen khatar kusoo food leh, kaasi oo sidoo kale saraakiisha Ciidamada amniga Puntland (PSF) ka codsadeen inay fuliyaan. 

Waxaa lagu sheegay warka qoraalka ah in aanay jirin wax khasaaro ah oo shacabka kasoo gaarey weerarka duleedka Gaalkacyo, kaasi oo horey Galmudug u sheegtay in ciidankeeda lala bartilmaameedsaday. 

Dowladda Somalia ayaa ka codsatay Mareykanka inuu sharaxaad dheeri ah ka bixiyo weerarkaan kasoo maalin kadib maamulka Galmudug ku eedaysay Puntland inay soo marin-haabisay Mareykanka, oo ugu tilmaantay saldhigeeda ciidan fariisin u yahay Al shabaab.

Taliska ciidamada Mareykanka ee gobolka Geeska Africa, ayaa sheegay in weerarka lagu fuliyay codsiga Puntland iyo qiimayntooda xaalada goobta la duqeeyay, oo u muuqatay mid khatar uga soo socoto. 

Taliska wuxuu sheegay in duqeynta ay uga jawaabayeen weerarka Al shababaab ay ku qaadeen ciidamada amaanka Puntland (PSF), oo bah-wadaag yihiin iyo inay kaga hortagaan khatar kale.    

GAROWEONLINE 

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM

Fiqi: Hubkii Masar waxaa loo Adeegsaday Dagaal Sokeeye

Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli uu madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 12:18PM