Mareykanka oo difaacay Haaruun Macruuf xili uu eedeeyay NISA

Image

WASHINGTON, US – Dowladda Mareykanka ayaa jawaab rasmi ah waxay kasoo saartey eedeynta hay'adda sirdoonka Soomaaliya u jeedisey wariye Haaruun Maruuf oo ka tirsan laanta Af Soomaaliga ee VOA-da.

Qoraal Axada maanta ah lasoo dhigay barta Twitter-ka ee safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu difaacay saxafiga wax-baara.

"Haaruun Macruuf waa wariye ka tirsan VOA oo la ixtiraamo, xirfadle ah iyo mid kamida saxafiyiinta ugu saameynta badan Soomaaliya," ayaa lagu yiri bayaanka oo ku qornaa luuqada English-ka.

Qoraalka ayaa intaas raaciyey: "Weerarada NISA waxay halis ku yihiin xorriyadda warbaahinta iyo madax-babaanida saxaafada oo aas-aas u ah dimuqraadiyada iyo is-xisaabtanka gudaha Soomaaliya".

Taageerada ay safaarada u muujisay saxafiga ayaa xoojineysa garab-istaag badan oo uu hore kaga helay siyaasiyiin, wariyeyaal iyo dadweyne, kuwaas oo ku muujiyey baraha bulshadda.

NISA ayaa sheegtay in Haaruun Macruuf uu "leeyahay xiriiro khatar u ah amniga Qaranka isla markaana uu baalmaray anshaxa warbaahinta kana qaadeyso talaabada sharciga ku haboon".

Soo saaraha barnaamijka Galka Baarista ayaa nan wali jawaab rasmi ah ka bixin eedeynta iyo "hanjabaadda" kaga timid hay'adda uu madax u yahay Fahad Yaasiin Daahir, oo wariye soo noqdey.

Dhawaqa kasoo yeeray NISA ayaa yimid xili ay jiraan warar tibaaxay in Haaruun Macruuf uu todobaadyaddii u dambeeyay ku howlanaa diyaarinta warbixin wadata macluumaad kuna saabsan "arrimo xasaasi ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM