Mareykanka oo Duqeyn Cirka ah ku dilay Hogaamiye Al Shabaab

Image

KISMAYO, Somalia- Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay Duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday duleedka Kismaayo ay ku dishay Hogaamiye sare oo kamid ahaa Ururka Al shabaab.

Ilo katirsan militariga Mareykanka, ayaa VOA u sheegay in Duqeynta lagu dilay Bashiir Cali Jaamac Guuleed (Bashiir Dheere), oo ahaa Taliye Ku Xigeenka Ururka Al Shabaab ee gobolka Jubbada Hoose.

Taliska Militariga Mareykanka ee Geeska Africa (US AFRICOM), ayaa sheegay in weerarka lagu dilay Bashiir Dheere uu ka dhacay meel ku dhaw deegaanka Kanjaroon Isniintii lasoo dhaafay, 26-ka September, islamarkaana uu ahaa mid Is-difaacid ah.

Weerarka waxaa lagu dilay Bashiir Dheere iyo 3 katirsanaa Illaadiisa, waxaana uu ka danbeeyay duulaan ay Shabaab ku qaadeen saldhig ay ku leeyihiin ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Somalia.

AFRICOM wuxuu sheegay in Al Shabaab weerar ku qaadeen saldhig ay joogaan Tababarayaal military oo u dhashay Mareykanka iyo ciidamo katirsan kuwa DFS.

Warsidaha Garowe Online, oo warbixintan soo qoray Isniintii, waxaana Nuqul kamid ah xigtay Long War Journal, oo ka faallooda arrimaha difaaca.

Deegaanada ku yaallo duleedka galbeed ee Kismaayo ayaa waxaa mudooyinkii danbe ka dhacayay weeraro cirka ah iyo dagaallo toos ah oo u dhaxeeya Al shabaab iyo ciidamada Mareykanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Xamse oo ogolaadey hub loo diray Laascaanood, xilli cabsi laga qabo dagaal

Arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafka sii fidaya ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:50PM

Ciidamo gadood ka sameeyay Muqdisho iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan

Dhacdadan ayaa muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay niyad-jabka iyo tabashada gudaha ciidanka dowladda.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:14PM