Mareykanka oo Duqeyn Cirka ah ku dilay Hogaamiye Al Shabaab

Image

KISMAYO, Somalia- Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay Duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday duleedka Kismaayo ay ku dishay Hogaamiye sare oo kamid ahaa Ururka Al shabaab.

Ilo katirsan militariga Mareykanka, ayaa VOA u sheegay in Duqeynta lagu dilay Bashiir Cali Jaamac Guuleed (Bashiir Dheere), oo ahaa Taliye Ku Xigeenka Ururka Al Shabaab ee gobolka Jubbada Hoose.

Taliska Militariga Mareykanka ee Geeska Africa (US AFRICOM), ayaa sheegay in weerarka lagu dilay Bashiir Dheere uu ka dhacay meel ku dhaw deegaanka Kanjaroon Isniintii lasoo dhaafay, 26-ka September, islamarkaana uu ahaa mid Is-difaacid ah.

Weerarka waxaa lagu dilay Bashiir Dheere iyo 3 katirsanaa Illaadiisa, waxaana uu ka danbeeyay duulaan ay Shabaab ku qaadeen saldhig ay ku leeyihiin ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Somalia.

AFRICOM wuxuu sheegay in Al Shabaab weerar ku qaadeen saldhig ay joogaan Tababarayaal military oo u dhashay Mareykanka iyo ciidamo katirsan kuwa DFS.

Warsidaha Garowe Online, oo warbixintan soo qoray Isniintii, waxaana Nuqul kamid ah xigtay Long War Journal, oo ka faallooda arrimaha difaaca.

Deegaanada ku yaallo duleedka galbeed ee Kismaayo ayaa waxaa mudooyinkii danbe ka dhacayay weeraro cirka ah iyo dagaallo toos ah oo u dhaxeeya Al shabaab iyo ciidamada Mareykanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM