Mareykanka oo ka qeyb-galay howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Image

MOGADISHU, Soomaaliya – Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Soomaaliya iyo AFRICOM ay wadajir u fuliyeen hawlgal guul leh oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasoo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ka qeyb qaatay dagaalkii deegaanada gobolka ka dhacay, gaar ahaan Tuulada Alkowthar iyo kuwa hoostaga.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri: "Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo AFRICOM waxay si wadajir ah u fuliyeen duqeyn waxtar leh oo lagu burburiyay cadowga argagixisada ee ku hungoobay weeraradii hore, waxaana lagu jabiyay dagaalkii ka dhacay Alkowthar."

Duqeynta ayaa si gaar ah loogu beegsaday xubno katirsan Al-Shabaab xili ay weerar ka fulinayeen goobo Ciidamada dowladda ku sugan yihiin, oo Shabeellaha Dhexe kamid ah, iyadoo weerarada ay ahaayeen kuwa culus, oo dhowr jiho ah.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa sidoo kale caddeysay in qiimeynta khasaaraha ay sii socoto, iyadoo la sheegay in shacabka Soomaaliyeed la wargelin doono wixii kasoo kordha, iyo halka ay marayso xaaladda.

Wasaaradda ayaa xustay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin AFRICOM, ay ka go'an tahay xoojinta wada shaqaynta lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida dalka iyo gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM