Mareykanka oo ka qeyb-galay howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Image

MOGADISHU, Soomaaliya – Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Soomaaliya iyo AFRICOM ay wadajir u fuliyeen hawlgal guul leh oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasoo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ka qeyb qaatay dagaalkii deegaanada gobolka ka dhacay, gaar ahaan Tuulada Alkowthar iyo kuwa hoostaga.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri: "Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo AFRICOM waxay si wadajir ah u fuliyeen duqeyn waxtar leh oo lagu burburiyay cadowga argagixisada ee ku hungoobay weeraradii hore, waxaana lagu jabiyay dagaalkii ka dhacay Alkowthar."

Duqeynta ayaa si gaar ah loogu beegsaday xubno katirsan Al-Shabaab xili ay weerar ka fulinayeen goobo Ciidamada dowladda ku sugan yihiin, oo Shabeellaha Dhexe kamid ah, iyadoo weerarada ay ahaayeen kuwa culus, oo dhowr jiho ah.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa sidoo kale caddeysay in qiimeynta khasaaraha ay sii socoto, iyadoo la sheegay in shacabka Soomaaliyeed la wargelin doono wixii kasoo kordha, iyo halka ay marayso xaaladda.

Wasaaradda ayaa xustay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin AFRICOM, ay ka go'an tahay xoojinta wada shaqaynta lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida dalka iyo gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ciidamo cusub u diraya Baydhabo si ay u difaacaan Aadan Madoobe

Xoogagga mucaaradka ayaa toddobaadyadii u dambeeyay dhowr jeer weerarro ka geystay duleedka Baydhabo.

  • Soomaliya

    09-09-2026

  • 04:36PM

Xiisadda Koonfur Galbeed iyo eedeymaha loo jeediyay Turkiga

Turkigu wuxuu muddo dheer ka mid ahaa saaxiibada muhiimka ah ee Soomaaliya, isagoo taageero ka geysta dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    08-09-2026

  • 06:24PM