Mareykanka oo fara-geliyay ismari-waagga shirka DF iyo maamulada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah soo saartey qoraal ay kaga dalbanayso Villa Soomaaliya inay si deg deg ah u qabato kulan ay la yeelato madaxda maamuladda.

"Safaaradda Mareykanka waxay ugu baaqeysaa Villa Soomaaliya inay qabato kulan ay isagu yeerayso dhamaan hogaamiyeyaasha maamullada Federaalka, si waafaqsan dastuurka Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraal kooban oo Safaaradda soo gelisay barta ay ku leedahay Twitter.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay inay muhiim tahay in si deg deg ah dib loogu soo celiyo wadashaqeyntii iyo iskaashigii labada dhinac, si heshiis loo dhan yahay looga gaaro nooca doorasho ee dalka ka dhici karta.

Washington ayaa hoosta ka xariiqday in "kala qeybsanaanta siyaasadeed ee Soomaaliya ay dhaawacayso hanaanka deyn-cafinta, sidoo kalena hagal-daacinayso dedaallada la dagaalanka COVID-19".

Baaqa ayaa yimid markii uu fashilmay isku day uu Wakiilka UN-ka James Swan ku doonayay inuu shir isagu keeno madaxda dowlada iyo maamullada, iyadoo Koonfur Galbeed lagu eedeeyay mas’uuliyadda fashilkaas.

Bishii lasoo dhaafay ayay Villa Soomaaliya ka codsatay Swan inuu door ka ciyaaro qabashada shirka, waxaana xafiiska UNSOM kala shaqeynayay guddiyo dhinacyada matelaya oo u gogol-xaarayay kulanka madaxda, kuwaasoo markii dambe isku afgaran waayay waqtiga iyo goobta lagu kulmayo.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre labaduba waxay sheegeen inay doorasho dhacayso, balse wali ma jirto ifafaallo iyo diyaargarow ku saabsan doorashadda, oo ka harsan wax ka yar 6 bilood.

Khilaafka siyaasadeed ee jira, amni xumada iyo diyaar-garow la’aanta ayaa ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan qabashadda doorasho qof iyo cod ah ee ka dhacda Soomaaliya dhamaadka sanadkan.

Xisbiyadda siyaasadda ee waddanka iyo qaar kamida dowlad goboleedyadda ayaa ka digaya muddo korarsi iyo dib u dhac ku yimaada coddeynta isha lagu hayo, iyadoo madaxda dalka ay qiil ka dhigayaan caqabadaha taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM