Mas'uulkii labaad oo 24 saac gudahood Muqdisho lagu diley

Image

November 12, 2014 (GO)- Magaalada Muqdisho waxaa saaka lagu diley gudoomiye ku-xigeenkii degmada Hawl-wadaag Maxamed Yuusuf Hilaal.

Dabley hubeysan oo gaari yar watey ayaa lagu soo waramayaa inay rasaas ku fureen gaariga mas'uulka geeriyoodey xilli uu marayey isgoyska KM-4.

Rasaasta waxaa sidoo kale ku geeriyoodey askari ilaalo u ahaa iyo haweeney gaari goobta marayey la socotey sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Hawl-wadaag.

Dilkan ayaa noqonaya kii labaad ee muddo 24saac gudahood ah magaalada Muqdisho loogu geysto mas'uul ka tirsanaa Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda dilka gudoomiye ku-xigeenkii degmada Hawl-wadaag Maxamed Yuusuf Hilaal iyo taliyihii waaxda socdaalka ee garoonka Muqdisho  Maxamuud Maxamed Cadow oo isna gelinkii dambe ee shalay Muqdisho lagu diley.

Weerarada gaadmada ah ee Al-shabaab la beegsanayso mas'uuliyiinta Dowlada Federaalka ayaa sanadkan aad kor ugu kacay, waxaana xusid mudan in ku dhowaad 20 sarkaal oo dowladda ka tisanaa islamarkaana shan xildhibaan ku jireen qaabkan oo kale lagu diley.

Hay'adaha ammaanka oo todobaadyadii u dambeeyey wadey hawlgallo ammaanka lagu sugayo, waxay gacanta ku dhigeen in ka badan boqol qof oo lala xiriirinayo Al-shabaab, hub iyo goobo la sheegay in lagu diyaarin jirey qaraxyada laguna xereyn jirey gawaarida weerarada lagu fuliyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Maraykanku Wuxuu Joojinayaa Duqeymaha Xuutiyiinta Kadib Markii Heshiis La Gaaray

Ciidamada Israel ayaa Talaadadii weerar cirka ah ka fuliyay garoonka diyaaradaha caalamiga…

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 04:56PM

Shir Ka Furmay Muqdisho Iyadoo aanay Ka Qaybgelin Puntland iyo Jubbaland

Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo muhiim ah sida amniga qaranka, horumarka dhaqaale, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 02:36PM