Mas'uuliyiin PL ka tirsan oo Kenya u jooga arrimaha qaxootiga Yemen

Image

May 28, 2015 (GO)- Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland ayaa ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasoo ay kulammo kula leeyihiin hay'adaha calamiga ah ee samafalka iyo diblumaasiyiin ka socda wadamada reer galbeedka.

Wafdigan oo uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Cabdullaahi Qoob-deero ayaa la kulmey madaxda hay'adda Humanitarian Dialogue  iyo xubno ka tirsan safaaradaha Maraykanka iyo Sweden.

Wasiir Qoob-deero oo waraysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa sheegay in ujeedada ay Kenya u tageen tahay sidii Puntland beesha caalamka uga codsan lahayd in laga caawiyo qaabilaadda iyo maareynta kumannaanka qaxootiga ah ee kasoo cararaya dagaallada ka socda dalka Yemen.

Somaliland  ayaa todobaadkan horraantiisii sheegtay inaysan hadda kadib qaabili doonin qaxootiga ka imaanaya Yemen, arrintaasoo caqabad ku ah Puntland maadaama ay culeys kala kulmi doonto qaxootiga oo badankood usoo weecanaya dhanka magaalada Boosaaso. 

Todobaadkan oo qura, waxa magaalada Bosaso soo gaarey ku dhowaad 3,000 qof. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM