Masar oo deeq siinaysa Somalia

Image

27 August, 2015 (GO)- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee DFS Khadra Bashiir Cali ayaa sheegtay in dowladda Masar ay ballan qaaday in 200 oo arday ay siin doonto waxbarasho lacag la'aan ah, halka ay u tababari doonaan 40 macalin.

Khadra oo maanta ayaa hadalkan ka sheegtey warbixin ay ka jeedinaysan shirka golaha Wasiirada Somalia oo ay kaga hadlaysay safar ay ku tagtay dalka Masar.

Masar ayaa sidoo kale ballan qaadey inay dayactir ku sameyn doonaan Iskoolka 15-ka May iyo iskoolka Sheekh Xasan Barsame,waxayna sheegeen in ardada Soomaaliyeed si lacag la'aan ah wax ugu bari doonaan.

DFS waxaa inta badan waxaa soo gaara deeqo lagu soo qaado magaca Somalia, balse maamullada dalka ayaa ku cel-celiya inaysan soo gaarin wax deeq ah oo lagu helay magaca Somalia.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM